Diyaaradaha Isra’iil oo duqeyn ka geystey gudaha Suuriya kuna dilay ugu yaraan 40 qof

Published: March 29, 2024
Shares2

Diyaaradaha dagaalka ee isra’iil ayaa duqeymo ka geysatay gobolka Xalab ee waqooyiga Suuriya weerarka ayaa lagu dilay in ka badan 40 qof oo u badan askar, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka iyo kormeerayaal kale.

Dhimashada waxaa ku jiray lix xubnood oo ka tirsan kooxda hubaysan ee Lubnaan ee Hezbollah, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda bini’aadanka Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain, iyada oo tirada dhimashada kor u qaaday 42 waxay kale oo sheegtay in tobanaan qof ay ku dhaawacmeen.

Weerarada oo dhacay abaare 1:45am ee Jimcihii xalay ayaa lala beegsaday dhowr goobood oo ku yaalla baadiyaha Xalab, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Suuriya. Ma aysan soo bandhigin tirooyinka khasaaraha, kaliya waxay sheegtay in tiro rayid ah iyo askar millatari ah lagu dilay, hantina la burburiyay ka dib markii Israel iyo kooxo hubaysan oo aan la magacaabin ay fuliyeen duqaymaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.

Militariga Israa’iil ma aysan xaqiijin weerarada.

Israa’iil ayaa muddo sanado ah duqeymo ka waday dalka Suuriya, halkaas oo kooxaha taabacsan Iran oo ay ku jiraan Xisbullah ay ka taliyaan deegaannada bariga, koonfurta iyo waqooyi-galbeed ee dalkaas iyo weliba deegaanada ku xeeran caasimadda Dimishiq.

Weeraradeeda ayaa kor u kacay tan iyo markii uu bilowday dagaalka hadda ka socda Qaza bishii October 2023, waxaana sidoo kale ay weerartay difaacyada cirka ee ciidamada Suuriya.

Horseed Media