Doorashada Kenya: Ruto iyo Odinga oo isku dheggan, tirinta oo weli socota

Published: August 10, 2022

Waxaa weli socota tirinta cododka doorashadii shalay ka dhacay dalka Kenya, tartanka Madaxweynaha ayaa waxaa loolanka ugu weyn u dhaxeeyaa Madaxweyne Kuxigeenka William Ruto iyo Raila Odinga oo midkiiba heysto 49% cododka la tiriyey.

Murashaxa guusha raaceyso ayaa laga rabaa inuu helo 50% + 1 cododka la tiriyey, guddiga doorashada ayaa sheegay in illaa iyo hada la dhameystiray tirinta cododka 90%, balse guddiga wuu joojiyey saaka inuu shaaciyo tiradda murashaxiinta ay kukala horeeyaan.

Dhamaan waraaqaha codbixinta ee laga soo qaadayo 46,663 goobood oo ay codbixinta ka dhacday ayaa la geyn doonaa magaalada Nairobi ee caasimada, halkaasi oo dib loogu tirin-doono laguna xaqiijin doono natiijada rasmiga ah, iyadoo la tixraacayo amarkii Maxkamada Sare ee Kenya soo saartay sanadkii 2017.

Waxaa la filayaa in natiijada lagu dhawaaqi doono 16ka Agoosto walow aan weli taariikhdaasi si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Tiradda dadka codkooda dhiibtay ayaa la sheegay inay sanadkan aad uga hooseysay doorashooyinkii hore, waxaana codkooda dhiibtay 60% dadka diiwaangashan oo gaaraya 22.1 milyan oo qof. Doorashadii hore ayey codkooda dhiibteen 80% dadka diiwaangashan.

Abaarta ka jirta waqooyiga Kenya, sicir bararka dalkaasi sida weyn u taabtay iyo niyadjabka ay shacabka ka qabaan siyaasiyiinta Kenyaatiga ayaa sabab looga dhigayaa in dad badan aysan codkooda dhiiban.

Sidoo kale Qurbo joogta Kenya ayaa cododkooda ka dhiibtay 12 wadan oo kala duwan oo kala ah; Burundi, Tanzania, Rwanda, Uganda, South Africa, United Kingdom, Canada, USA, South Sudan, Qatar, UAE, iyo Germany. Waxaa xusid mudan muwaadiniinta Kenya ee ku sugan Soomaaliya aysan ku jirin qurbajoogta codkooda dhiiban kara.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *