Doorashada kuraas kamid ah Golaha shacabka oo maanta ka dhacaysa Muqdisho

Published: November 1, 2021

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada labo kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Gobolada Waqooyi ( Somaliland ).

Sida qorshuhu uu yahay 101 Ergo ayaa dooranaysa Kuraastan oo musharaxiinta u tartamaya uu kamid yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Xarunta ay ka dhacayso doorashada oo ah xerada tababarka Ciidanka Booliiska General Kaahiye ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay iyadoo la geeyay Ciidamo sugaya amniga doorashada.

Doorashada labadan kursi ee kamid ah Golaha shacabka ayaa ifafaalo u noqonaysa hirgelinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka oo marar badan ay dhaaftay xiligii loo asteeyay in lagu qabto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *