Doorashada Rwanda, Kagame oo lagu wado inuu guuleysto markii 4aad

Published: July 15, 2024

Malaayiin reer Rwanda ah ayaa Isniintii u dareeray goobaha codbixinta iyadoo lagu wado inuu markii 4aad ku guuleysto Madaxweyne Paul Kagame, hoggaamiyihii Rwanda tan iyo dhamaadkii xasuuqii 1994-tii, isla markaana ahaa madaxweynaha tan iyo 2000.

Kagame ayaa la filayaa inuu si fudud u helo guusha xili cadaadis lagu hayo mucaaradka iyo taageerada shacabka ee Madaxweynaha ay tahay weli mid xoogan.

Kagame ayaa wajahaya kaliya labo murashax kadib markii dhowr qof oo caan ah laga mamnuucay inay doorashada Madaxweynaha isu sharaxaan.

Frank Habineza, hogaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Green Party, iyo Philippe Mpayimana oo ah murashax madax-banaan ayaa ah labada musharax ee kaliya ee loo ogolaaday inay la tartamaan Kagame, iyadoo 6 murashax oo kale loo diiday inay tartamaan.

Doorashada baarlamaanka, ayaa iyada waxaa u sharaxan 500 musharax oo u tartamaya 80 kursi.

In ka badan sagaal milyan oo reer Rwanda ah ayaa isu diiwaangeliyay inay codkooda ka dhiibtaan 2,433 goobood oo codbixineed.

Horseed Media