Doorashadii Dadbaneyd ee 2016-2017: Raadkii ay Puntland Ku Reebtay iyo Raamsiga Baxaya!

Published: August 30, 2018
Puntland hakala doorato iyadu

Dharaar timidba subaxeede, isbedelku waa sida dabaysha hadba dhinac kaaga imaan, waxaan ku noolnahay adduun isbedelkiisu uu ku socdo xawaaere sare, isbeddelka caalamka ka socda waxa uu saameyn ku lee yahay nolosha bini’aadamka iyo tiknoolajiyadda, laakiin saameyn badan kuma leh xeerarka iyo sharciyada wakhtiyo hore la dhigtey sida qaababka doorashooyinku u dhacaan iyo shuruucda dad awoowayaashoodi hore u dejiyeen dalkooda, haddii ay saameyn ku yeeshaana waxaa loo qaadaa afti dadweyne kadibna loo beddelaa dastuurkii la dhigtey.

Doorashadii 2016 Soomaaliya ka dhacdey waxaa lagu tilmaamaa midii ugu musuqmaasuqa badneyd ee abid ka dhacda Soomaaliya, waxaana ay reebtey raad aad u xun oo sameyntiisi weli taagan tahay.

Xildhibaan Sidee Lagu Noqdaa?

Konton sano ka hor mar baa jirtey Soomaaliya Xildhibaanka ay shacabku toos u soo dooran jireen, kaas oo wata metalaad rasmi ah, waana dowladdii raydika ahayd ee dalka ka talin jirtey 1960-1969.

Xildhibaanadii ugu horreeyey ee Dowaladda Soomaaliya yeelato kadib burburkii dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre (AUN) waxay ahayd sanadkii 2000 shirkii Carta ee dalka Jabuuti, Xildhibaanadaas waxaa isku qorey intooda badan oo buuxiyey ergooyinkii shirkaas ka qayb-galay, waxayna ahayd halkii u horeysey ee lagu dejiyey nidaamka 4.5 ee wax lagu qaybsadey, ma jirin dhaqaale xooggan oo xildhibaanada uga baxay in ay Xildhibaan noqdaan, mana jirin metalaad shacab oo ay haysteen.

Baarlamaankii ku xigey waa midkii lagu dhisey dalka Kenya, kadib shir loo fadhiyey muddo laba sano ah, Xildhibaanadaas waxaa awood ku lahaa soo xulitaankooda Hoggaamiye kooxeedyadii xiligaas ka jirey Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyo Puntland oo markaas lahayd Madaxweyne, marka laga yimaado faro-gelin ururka IGAD uu ku sameeyey Xildhibaanada qaarkood oo ay iska soo horjeedeen hoggaamiye kooxeedyada qaarkood ama hoggaamiyihii Puntland ee markaas, waxaana lagu soo daray xildhibaano IGAD ay gadaal ka riixeysey oo hoggaamiyaashii shirka awooda kulahaa ay diidanaayeen.

Sicir-bararkii Baarlamaanka!

Kadib markii uu is-casiley Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed Dieembar 2008, heshiisna ay wada galeen Dowaladdii Federaalka iyo garabkii ururkii Casmara ee Sheekh Shariif hoggaaminaayey waxaa baarlamaanka si indho la’aan ah loo gaarsiiyey 550 Xildhibaan, garabka Casmara waxay Baarlamaanka ku soo dareen 275 Xildhibaan oo taageersan iyo kuwo kaleba oo markaas Jabuuti u tegey damac siyaasadeed, laakiin xildhibaanada wax dhaqale ah ugama bixin in ay Xildhibaan noqdaan.

Baarlamaankii saddexaad ayaa ahaa kii la dhisey sanadkii 2012, waxaana lagu tilmaamaa in uu ahaa kii ugu wanaagsanaa marka la eego kuwii ka horeeyey iyo qaabka loo dhisey , Baarlamaanka 2012, waxaa soo doortey beelaha oo ay metalayaan nabadoonadu, waxaana saxiixey hoggaamiye dhaqameedyada soo jireenka ahaa, oo tiradooda la gaarsiiyey 136 Ismim. Xildhibaanada wax dhaqaale ah oo badan ugama bixin in ay Xildhibaan noqdaan.

Doorasho Dadban

Doorashadii 2016 ee Baarlamaanka afaraad waxay ahayd tijaabo cusub, dunida aan horey uga dhicin nooceeda oo kale inkasta oo ay siyaasiyiinta qaarkood ku doodeen in ay dalal horey uga dhacdey laakiin markii aan baarney dhinac kasta waa uga duwaneyd, gaar ahaan qaabka ergooyinka loo soo xuley oo dalalka ay tusaalaha u soo qaateen ay ahaayeen kuwo la soo doortey.

Doorashadii Xildhibaanada 2016 waxaa saameyn weyn ku lahaa laba qolo.

  1. Siyaasiyiin doonaayey in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha kuwaas oo doonayey in ay la soo baxaan Xildhibaankii dooran lahaa, dhaqaale kasta oo ku baxa ay iyagu bixiyaan si ay u yeeshaan Xildhibaankaas.
  2. Qoloda labaad ayaa ahayd, ganacsato haysta dhaqaale badan oo doonaayey in iyagu noqdaan Xildhibaano sidoo kale ay Xildhibaano la soo baxaan, si ay awood ugu yeeshaan Dowaladda oo helaan heshiisyada qandaraasyada.

Warbixino caalami ah oo laga qorey ayaa lagu sheegaa in lacagta ku baxdey doorasdhadii dabdaneyd ee 2016 ay boqol milyan kor u dhaafeyso.

Dhibta ay Dowaladnimada Ku Yeelatey

Iyada oo horey loogu eedeyn jirey Xildhibaanadu in aysan gudan waajibkoodi, la xisaabtamin xukuumadda iyo Madaxweynaha, dantooda ka hormariyaan tan dalka iyo dadka ayaa waxaa ugu darsamey in ay noqdaan kuwo la lee yahay, taas oo meeshaba ka saartey in Xukuumadda ay la xisaabtami karaan, qarkood waxaa baarlamaanka la fadhiya ganacsatadii soo saartey oo haysta heshiisyo qandaraas, sidoo kale waxaa wasiiro ah, ama Madaxweyne ah kuwii ku taageeray in uu xildhibaan noqdo oo u qaan sheeganaya, taas oo naftiisa halis gelin karta haddii uu doonitaankooda ka baxo.

Raadka ay Puntland Uga Tagtey iyo Raamsiga Baxaya

Puntland waxay geleysaa bilo kadib doorasho Madaxweyne, waxaa hadda socda soo xulitaankii Xildhibaanadii Golaha Wakiilada.

Doorashadii 2013-2014 ee Puntland ka dhacdey, in badan oo kamid ah beeluhu si madaxbanaan ayey u soo xuleen Xildhibaanada, marka hore waxaa la qeexay oo la caddeeyey jifida iska leh, kaidb jifida cidda daneyneysa waxaa kala saarey Nabadoonka beesha oo qaarkood wadatashi la sameeya waxgaradka jifidaas, kadibna waxaa loo gubdiyey Isimka guud ee beesha oo waraaq ku soo sarey, kadibna waxaa gacanta loo geliyaa guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Madaxweynuhu magacaabey. Waxaa jiretey beelo cabasho muujiyey sheegtey in guddigii xalinta khilaafaadku uu ka boobey kuraastoodi kuna qoreen Xildhibaano aysan beeshu dirsan, waxaana tirada Xildhibaanada xiligaas la boobey oo la doonaayey in maamulkii markaas jirey ay u codeeyaan tiradooda lagu qiyaasaa 10-16 Xildhibaan.

Doorashada Puntland 2018-2019

Maantey waxaa Puntland ka taagan mid ka daran tii hore, waxaana faro gelin ba’an ku haya soo xulitaanka Xildhibaanada qaar kamid ah musharixiinta. Waxay bartimaameed ka dhigteen Xildhibaanada beeshooda ka soo baxaya, beelaha Xildhibaanada sukada ama kelida ah leh iyo Xildhibaanada ku dhex korey Baarlamaanka oo ilaa 1998 soo fadhiyey kuwaas oo aan camal kale aqoon doonayana in ay dib u soo laabtaan.

Mid kamid ah musharixiinta Xildhibaanada ayaa Horseed la soo xiriiray waxaana uu u sheegay in mid kamid ah Musharixiintu uu dhaqaale ku siiyey in uu Xildhibaanka beesha la soo baxo, si lamid ah ayuu nin kale oo aan isku beel nahay siiyey dhaqaale, waxaana uu isku diley anagii, isaga dantiisu waa in aanu dhinacna seegin ayuu yiri , shkhsiga Xildhibaanka doonaya ayaa Horseed u sheegay in musharixiinta qarkood ay Xildhibaanada qaarkood iyo kuwa hadda u tartamaya ay siiyaan gawaari iyo lacagba.

Horseed ayaa ogaatey in musharixiintan qaarkood ay u yimaadaan qof aan himmad siyaasadeed lahayn ku jirin waxaana ay ka dalbadaan in uu noqdo Xildhibaan, qofkaas oo aan lahayn khibrad siyaasadeed waxay u ballan qaadaan waxkasta oo ku baxaya oo dhaqaale ahna ay iyagu bixinayaan, si loo gato nabadoonka beesha iyo weliba isimka guud.

In qofku noqdo Xildhibaan waagii horey waxay u baahneyd in jifiada ama beeshaadu ay leedahay tarraha ama wareega, maadaama beelaha qaarkood si wareeg ah u qaybsadaan, ma jirin dhaqaale badan oo uga bixi jirey Xildhibaanka. Kuwa sidaas ku yimid ayaa loo hayaa eedeyntii ugu weyneyd in ay ka gaabiyeen shaqadoodi, Xukuumadda iyo Madaxweynahana ay ka dhigeen dabar iyo seeto la’aan.

Haddaba waxaa la is weydiinayaa Xildhibaan la soo qal-qaaliyey, dhaqaalihii laga soo bixiyey, la soo iibsadey isaga oo banaanka jooga yuu u yahay wakiil, yuu metalaa, yuu la xisaabtamayaa markii Xildhibaankii ay la wareegeen loobiistayaal iyo musharixiin, waxaa hubaal ah in Puntland ay dul hoganayaan daruuro madow meel fogna laga dooni doono iyo meel ka xun meesha ay hadda joogto haddii aan arrimahan laga hortegin, beelaha loo madax baneyn in ay soo xulaan Xildhibaano bulshada meteli kara oo aan horey loo soo iibsan.

Waxaa la isku raacsan yahay in Puntland halka ay ka dhutineyso ay tahay hay’adaha sharciga gaar ahaan Baarlamaanka oo nidaam beeleed ku yimid, waxaa aad u wanaagsan in qofku dhibta haysata wax ka wanaagsan doono, xalkana daawo u raadsho ee maaha xalku in Puntland gebigeedaba la iibsado.

Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli maxamed Cali waxaa uu kamid yahay siyasiyiintii soo dejiyey nidaamkii doorasho dadban, inkasta oo uu weli difaacayo fikirkii ka yimid, laakiin waxa uu arki karaa sida natiijadu noqotey, dhaqaalaha ku baxay, musuqmaasuqa iyo heerka Baarlamaankii maanta taagan yahay, sidaas darteed, waxaa la gudboon, in uu istaago wax ka qabto ganacsiga siyaasadeed ee Puntland ka socda oo lagu loolamayo harkiisa hoostiisa isaga oo nool, waxkasta oo Puntland maanta ka dhaca waxay noqon-doonaan dhaxaliisa.

Isimada & Nabadoonada

Nabadoonada iyo ismimada waxaa la gudboon in ay badbaadiyaan Puntland, iyada oo aan laba gaarin doorasho aan dalka iyo dadkaba la iibsan, in ay soo xulaan Xildhibaano ay u madaxbanaan yihiin, aaminsan yihiin in ay dalka iyo dadkaba dan u yihiin, haddii kale waxkasta oo dhaca waxa ay imaan doonaan gondahooda, waxayna noqon doontaa mid taariikhdu xusto.

Musharixiinta Madaxweynaha 2019

Musharixiinta iyo siyaasiyiinta Puntland waxaa la gudboon in ay galaan tartan hufan, in ay ka dheeradaan in ay Xildhibaanada soo iibsadaan oo iyagu Xildhibaan ka dhigaan, taas oo ah tartan musuqmaasuq ah muujineyso damaca waalan ee la doonaayo in dal iyo dadba lagu gato, musharaxa is huba waa midka barnaamij cad ka gata bulshada iyo Xildhibaanada, lama diidayo in qofku ololeeyo ama dhaqaale ku bixiyo doorashadiisa, laakiin waxaa reeban in dadkaba aad ka dhigato ADDOON AAD SOO IIBSATEY.

Taariikh ayaa qormeysa

Horseed Media Team

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *