Doorashadii Guddoomiyaha Midowga Baarlamaannada Adduunka oo ay guusha raacday Tanzania

Published: October 28, 2023

Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaranka Tanzania Tulia Ackson ayaa Jimcihii loo doortay madaxweynaha Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), iyadoo xilka kala wareegaysa Duarte Pacheco oo u dhashay dalka Portugal.

Doorashadeeda waxa ay daba socotay codayn qarsoodi ah oo uu qaaday golaha maamulka IPU intii lagu jiray golaha midowga ee 147aad ee ka dhacay magaalada Luanda ee dalka Angola oo ay ku guulaysatay boqolkiiba 57 codadkii la dhiibtay hal wareeg, iyada oo ku garaacday saddex musharax oo kale: Adji Diarra Mergane Kanouté oo Senegal ah, Catherine Gotani Hara Malawi iyo Marwa Abdibashir Haji ee Soomaaliya.

Fadeexada Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya ayaa si lama filaan ah u shaacisay maalmo kahor codbixinta inay isaga baxday tartanka taasi oo dhabar-jabin ku ahayd murashaxada Soomaaliya ka socotay ee Marwa Abdibashir Haji oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay direen Xukuumada iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay inaysan xilkaasi dalka Soomaaliya u tartami doonin, taasi oo fadeexad ku noqotay dowlada Soomaaliya inay qaabkaas uga hortagto murashax Soomaali ah oo xil caalami ah u tartamaya.

Ololihii Tanzania

Dowlada Tanzania ayaa dadaal weyn u gashay sidii xilkan u hanan lahayd isla markaana ka codsatay dhamaan wadamada Afrika inay taageeraan murashaxooda, waxayna Tanzania ku tilmaamtay tartankooda mid muujinaya sare u qaadida codka haweenka, isla markaana guushooda ay qeyb ka tahay sare u qaadida magaca iyo sumcad dalka Tanzania inuu horumar ka gaaray dimuquraadiyada, sida uu sheegay Xildhibaan Elibariki Kingu oo kamid ah xubnaha u ololeenayey.

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale noqotay haweenaydii ugu horeysay oo kasoo jeeda Afrika oo guddoomiye ka noqota Midowga Baarlamaanadda Adduunka.

IPU, oo la aasaasay in ka badan 130 sano ka hor, waa urur caalami ah oo baarlamaanada qaranka loo sameeyay si loo kobciyo iskaashiga iyo wadahadalka u dhexeeya quruumaha xagga horumarinta dimuqraadiyadda. Waxa uu ka kooban yahay 180 Baarlamaan oo caalamka ah.

Horseed Media