Dowlad goboleedyada oo DFS ka dalbaday inay fasaxdo lacagtii deeqda ee Imaaraadka

Published: September 14, 2022

Mas’uuliyiinta gargaarka ee maamul goboleedyada ayaa ugu baaqay dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha.

Kadib kulamo saddex maalmood ah oo wasiirrada wasaaradaha bani’aadminnimo ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ayey ka codsadeen dawladda federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.

Dawladda Soomaaliya ayaan markiiba ka jawaabin baaqa kasoo yeeray wasiirrada gargaarka bani’aadaminnimo ee maamul goboleedyada.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta gargaarka ee heer maamul goboleed ayaa sheegay inay maalin walba xaaladda bani’aadaminnmo ee dalka ay sii adkaanayso.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hay’adaha gargaarku ay ka digeen in macluul ka dhici karto meelo ka mid aha waddanka bilaha October iyo December haddii aan la helin gargaarka looga hortago dhibaatada bani’aadaminnimo.

Wasiirrada arrimaha bani’aadaminnimo ee heer maamul goboleed ayaa dhinaca kale ugu baaqay hay’adaha gargaarka caalamiga ah inay diiradda saaraan meelaha ay adagtahay in la gaaro si loo caawiyo dadka dhibaataysan, waxna looga qabto barakaca dadka ee goobahaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *