Dowlada Hindiya oo dhaqan gelisay sharciga jinsiyadda ee ‘Muslim-diidka’ ah, toddobaadyo kahor doorashada

Published: March 12, 2024

Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqday sharciyo lagu dhaqan gelinayo sharciga wax ka beddelka jinsiyadda (CAA), toddobaadyo kahor inta Raysalwasaare Narendra Modi uusan u tartamin markii sadexaad doorashada dalkaasi.

Sharciga muranka dhaliyay oo sanadkii 2019 ay soo saartay xukuumadda Modi ayaa u oggolaaday dhalashada Hindiya qaxootiga aan Muslimiinta ahayn ee ka yimid waddamada deriska la ah Hindiya.

Wuxuu sharcigan qeexayaa in dadka ah Hinduuga, Parsis, Sikhs, Buddhist, Jain iyo Masiixiyiinta kasoo qaxay dalalka Muslimiinta ee Afgaanistaan, Bangaladesh iyo Pakistan, wixii ka horeeyey sanadkii 2014, lasiin karo dhalashada dalka Hindiya.

Sharcigan ayaa lagu tilmaamay “Muslim-diidka / naceybka”, sidoo kale ururada u dooda xuquuqda shacabka ayaa cambaareeyey qorshaha xukuumada xagjirka ah ee Hinduuga Hindiya.

Xukuumadda Modi ma aysan dhaqan gelin sharcigan kadib mudaaharaadyadii dalkaasi ka dhacay ee looga soo horjeeday sharcigaas lasoo saaray 2019.

Rabshado ayaa ka dhacay caasimadda New Delhi intii uu socday mudaaharaadyadaasi oo ay ku dhinteen tobanaan qof oo Muslimiin u badan, boqolaal kalena lagu dhaawacay.

Ururada Muslimiinta ayaa sheegaya in sharciga la doonayo in lagu takooro muslimiinta dalkaasi oo gaaraya 200 milyan. Waxay sidoo kale ka baqayaan in dowladdu ay ka qaado dhalashada Muslimiinta ku nool miyiga iyo gobollada xuduuda saaran ee aan iyagu heysan waraaqaha aqoonsiga.

Horseed Media