Dowlada oo ka warbixisay xaaladda Soomaalida ku sugan Marooko iyo Liibiya

Published: September 15, 2023

Xoghayaha joogtada ah ee  Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa ka warbixisay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool ama ku sugan dalalka Marocco iyo Libya oo ay ka dhaceen  dhibaatooyin bini’aadanimo oo ay sababeen dhulgariir iyo duufaado kale.

Xoghayaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhambaallo isugu jiray tacsi iyo garab istaag u dirtay maamulka Dalka Marooko iyo Liibiya oo ay wajaheen dhibaatooyin ka dhashay dhulgariir iyo fatahaado kale.

Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa xusay in Safaaradda Soomaaliya ay booqatay goobaha ay ka dhaceen dhulgariirka ,isagoo intaa raaciyay in aysan jirin jaaliyad Soomaaliyeed  oo dhibaatooyin ka soo gaareen masiibooyinkaasi.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa sheegay in masiibooyinka ka dhacay Liibiya ay ka badbaadeen dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Xoghayaha joogtada ah ee  Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Mudane Xamsa Aadan Xaadow,waxa uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed ay la soo xiriiraan wasaaradda,gaar ahaan haddii ay jiraan dad dhibban oo ku sugan dalalkaasi.