Dowlada Soomaaliya Oo Isugu Yeertay Diblomaasiyiinteeda Ku Sugan Muqdisho

Published: November 9, 2020

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kulan deg-deg ah isugu yeertay Diblomaasiyiinta fasax la’aanta ku jooga gudaha magaalada Muqdisho iyo kuwa fasaxa heysta.

Warqad kasoo baxday xafiiska agaasinka waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu wargeliyey diblomaasiyiinta Soomaaliya ugu qoran safaaradaha dibadda inay ugu dambayn 14 bishan November soo xaadiran xarunta wasaaradda.

Diblomaasiyiin dhowr ah oo dowladda federaalka ugu qoran Safaarado Dibadda ah ayaa ku sugan Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *