Habeenimadii xalay xili danbe waxaa lagu faafiyey warbaahinta Dowaldda war-saxaafadeed ka kooban afar bog kaas oo…
Habeenimadii xalay xili danbe waxaa lagu faafiyey warbaahinta Dowaldda war-saxaafadeed ka kooban afar bog kaas oo lagu canbaareeyey tallaabadii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ee maalintii shalay ku dhisay guddiga doorashooyinka, sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe muddo xileedkiisi ka dhamaadey, iyada oo loogu baaqey shacabka iyo waxgaradka Jubaland in ay ka horyimaadaan.
War-saxaafadeedka ayaa looga sheekeeyey heerarkii ay isla soo mareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dedaaladii la doonaayey in lagu qabto doorasho qof iyo cod ah taas oo dhaaftey xiligii loo qabtey isla markaana mar labaad muddo cusub oo kale la qabtey.
“….Waxaa lama filaan iyo wax laga xumaado noqotey in uu Mudane Ahmed Madoobe ka baxo shirkii 10-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo ah halka looga arrinsado masiirka dalka iyada oo muddo dhowr bilood ah shirku u xayirnaa isaga oo mar walba keenayay cudurdaar macquul ah iyo mid aan ahaynba….” ayaa lagu yiri war saxafadeedka.
War saxaafadeedka ayaa ku tilmaamey tallaabooyinka uu qaadey Axmed Madoobe kuwo ballan ka baxa ah waxaana lagu yiri:
“….Ma aha markii ugu horeysay oo Mudane Axmed Maxamed Islaan balan-bax sameeyo tan iyo markii uu noqday Hogaamiyaha Jubaland, waxaa xusid mudan in doorashdii dhacday 2019kii ay ku dhamaatay khilaaf xoogan, taas oo markii dambe keentay in saamileyda siyaasadda Jubbaland ay ku hishiiyeen in doorashada xigta uusan qeyb ka noqon Mudane Axmed Madoobe sida uu qabo dastuurka Jubaland qodobkiisa 70-aad oo qeexaya in muda xileedka Madaxwaynuhu yahay laba jeer oo kali ah….” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Dowladda Federaalka ah oo horey muddo xileedka u kordhisey dhamaan madaxda dowlad goboleedyada, sanadkaana mar kale kordhisey ayaa hadda sheegaysa in Axmed Madoobe muddo xileedkiisi dhamaadey sanadkii hore.
“…..Dowladda Federalka, waxaa waajib ka saaranyahay ilaalinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay Madasha Wadatashiga Qaranku hore u gaareen, lagamana aqbali karo cid kasta oo qaada talaabo sharci darro ah oo khilaafsan wixii lagu heshiiyay. Dowadda Federalka, waxay caddeynaysaa in muddo xileedkii Mudane Ahmed Moobe ka dhammaaday bishii August 2023, wixii ka dambeeyayna uu xilka ku sii hayay heshiis siyaasadeed oo ay wada galeed Dowladda Federalka iyo Dowlad goboleedyadu si looga wada shaqeeyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, sidaa owgeedna uusan haysanin sharciyad uu dastuurka ku badalo ama mid uu ku maamulo doorasho ka duwan tii lagu heshiiyay….”
Warka ka soo baxay dowladda federaalka ayaa si adag loogu canbaareeyey tallaabadii uu aadey Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaan
“….Dowladda Federaalka waxay cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Ahmed Madobe ku magacaabay Guddi is-doorasho, waxeyna uga digaysaa talaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah.
Ugu danbeyntii ayaa Dowladdu baaq u dirty Shacabka Jubaland in ay ka hor yimaadaan Axmed Madoobe.
“…..Dowladda Federalka, waxay ugu baaqaysaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, madaxda dhaqanka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan shacabka reer Jubaland ee samirka badan in ay difaacdaan awoodooda dastuuriga ah ee la xiriirta in ay si xor iyo xalaal ah u doortaan cidda xukumaysa, isla markaana ay ilaashadaan nabadooda, midnimada iyo wadajirkooda…..”
“Dowadda Federalka, waxay caddeynaysaa in muddo xileedkii Mudane Ahmed Moobe ka dhammaaday bishii August 2023”
Afar dowlad goboleed iyo Dowladda federaalku ayaa ku heshiiyey May 2023 in la qabto sanadkan 2024 doorasho qof iyo cod ah, taas oo lagu fashiley qabashadeeda, mar kale waxay dowladda federaalku soo jeedisey in la qabto June 2025, taas oo Axmed Madoobe diidey isaga oo sheegay in aysan muuqan sabab kale oo muddo kordhin loogu sameeyo.
HORSEED MEDIA
Horseed Media