Dowladda Hindiya oo ballanqaaday in ay gacan ka geysaneyso gurmadka Abaaraha Soomaaliya

Published: July 13, 2022
Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Danjire Virander Paul

Danjiraha Hindiya u qaabilsan Soomaaliya & Kenya Dr Virander Paul ayaa ballanqaaday in Dowladdiisa ay gacan ka geysaneyso gurmadka loo uruurinayo Dadka Abaarta ku saameysay Gobollada Dalka.

Safiirka oo la kulmay Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay caawinta Soomaaliya.

Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada ayaa lagu sheegay in India door firfircoon ku leedahay xakameynta dhibaatooyinka dhanka cunnada ah maadaama ay kamid tahay G20.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ka codsaday Danjire Virander Paul in Dowladdiisa ay codkooda ku garab istaagto Soomaaliya si ay uga baxdo xaaladaha kala duwan oo ay ugu weyn tahay cunno yarida jirta oo ah mid guud ahaan Caalamka Saameysay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gargaarka Bania aadamnimada ayaa sheegay in uu helay ballanqaadyo kala duwan kaddib markii uu la kulmay Madax ka kala socota Hay’ado, Safiiro & Shaqsiyaad kale si loo gacansiiyo Malaayiinta ruux ay saameysay Abaarta Dalka ka jirta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *