UK oo Kenya u ballanqaaday inay ka taageerayso dagaalka argagixisada

Published: July 21, 2022
UK oo balanqaad u sameysay Kenya

Dowladda Ingiriiska oo dowladda Kenya ka taageeraysa xoojinta dagaalka ay Kenya kula jirto Al-Shabaab ayaa malaayiin dollar ku taageertay xarun loogu talagalay inay ku hawl galaan Ciidamada Booliska la dagaalaka Argagixisada ee loo yaqaan ATPU.

Xaruntaan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa laga hirgaliyay gobbolka Xeebta ah ee Mombasa, waxaana ku yaalla xafiisyo & meelo lagu hayo xubnaha lasoo qabto.

Gobbolka Xeebta ee Kenya ayaa kamid ah meelaha ay xoogaga Al-Shabaab kasoo qaadaan weerarada ay la beegsadaan Ciidamada dowladda Kenya.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxayna taageero uga heshaa dowlado waa weyn, sida Ingiriiska iyo Mareykanka oo saldhig ku leh dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *