Dowladda Itoobiya oo war ka soo saartay dagaalkii Dowlad degaanka Soomaalida

Published: July 28, 2022
Shares2

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horraysay soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadlayso dagaalkii dhowaan dhex maray ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab la gaarsiiyay khasaare xooggan, isla markaana ay sii badanayso tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu qabanayo gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Afdheer.

Sidoo kale xogta waxaa lagu sheegay waxaa ka mid ah in 85 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka ay Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ay uga jawaabayaan faahfaahinta ugu dambaysay ee dowladda federaalka Itoobiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *