Dowladda Mareykanka oo $1.2 bilyan ku bixinaysa abaaraha Geeska Afrika

Published: July 19, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixineyso lacag dheeraad ah oo gaareysa 1.2 bilyan oo dollar oo gargaar bani’aadanimo ah, taasoo wax lagaga qabanayo dadka ay saameeyeen abaaraha daran ee xilligan ka jira Geeska Afrika.

Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee USAID, Samantha Power ayaa sheegtay in lacagtani lagu kharash-garayn doono gargaar cunto, xaaladaha degdegga, lacago mucaawino qaas ah, tallaal iyo dawooyin la siin doono hooyada iyo dhallaanka, kuwooda aadka u xanuunsanaya.

Samantha Power ayaa sheegtay in yoolka Mareykanka uu yahay in laga hortaggo macluul ka dhacda Geeska Afrika, billaha ina soo aaddan.

Samantha Power ayaa ku boorisay wadamada caalamka oo uu ugu horreeyo Shiinaha inay gacan ka gaystaan abaarta gobolka iyo wax ka qabashada sahayda cunto yarida ee ka dhalatay colaadda dalka Ukraine.

Waxay sheegtay in abaarta ugu daran ay ka jirto dalalka Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, iyadoo xustay in dhammaadka toddobaadkan ay booqan doonto Geeska Afrika, si ay xaaladda abaarta u qiimeyso.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay 20 milyan oo qof oo ku nool wadamada Somaliya, Itoobiya iyo Kenya inay daba-yaaqada sanadkan halis ugu jiraan macluul, halka xaaladda ugu adagna ay ka jirto Soomaaliya.

Abaarta ka jirta saddexdan dal ayaa lagu sheegay tii ugu xumeyd ee ku dhufata Geeska Afrika, muddo afartan sano ka badan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *