Dowladda oo dhul ku wareejiyay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho

Published: February 28, 2024

Dowladda Soomaaliya ayaa dhul ku wareejiyay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, halkaas oo lagu ballaarin doono xafiisyada cusub ee Safaaradda.

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cusman Cigaal oo dhulkaasi ku wareejisay sii hayaha safaaradda Shiinaha Chen Wendi ayaa sheegtay in tallaabadani ay xoojineyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in safaaradda cusub ay horumarin doonto adeegyada ay u hayso shacabka, sida habaynta fiisaha iyo fududaynta ganacsiga.

Sii hayaha Safaaradda Shiinaha, Chen Wendi, ayaa sheegay in dhulkan cusub uu ka caawin doono safaaradda in ay sii ballaariso howlaheeda shaqo iyo in ay si wanaagsan uga shaqeyso danaha labada dal.