Dowladda Sacuudiga oo deeq gargaar soo gaarsiisay Muqdisho

Published: March 17, 2022

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadija Maxamed Diiriye iyo Madaxa mu’asaasada Arrimaha Gargaarka iyo Bani’aadanimada ee boqortooyada Sucuudiga ( King Salman Humanitarian and Relief Center) KSRelief Mr.Yousef Bakheet Rahmah ayaa maanta si wadajir ah Xarunta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka deeq gargaar ah ku wareejiyay Guddomiye ku xigeenka arrinaha bulshada gobalka banaadir Marwo, Basma Caamir Jaketti iyo Guddomiyha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Marwo, Jawaahir Barqab.

Deeqda gargaarka ah ayaa loogu talagalay qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir ee ku yaalla daafaha Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ah halka ugu badan ee ay ku sugan yihiin barakacayaasha kasoo hayaamay abaarta ku dhufatay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *