Dowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan

Published: April 16, 2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saar xaaladda dagaal ee kasoo cusboonaaday Jamhuuriyadda Suudaan gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Khartuum.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka walaacsan yahay xaaladda iyo khalalaasaha kasoo cusboonaaday Suudaan.

Sidoo kale Bayaanka Dowladda ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Khartuum loogu baaqay in ay wadahadal galaan isla markaana kawada xaajoodaan waxyaabaha ay isku heystaan si looga hortago dagaal dhiig ku daata oo kasii socda Suudaan.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xalka keliya ee meel lagu gaari karo uu yahay wadahadal & wadaxaajood sidaas awgeed Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo jeedineyso in lawada hadlo.

Horseed Media