Dowladda Soomaaliya Oo Dalka Ka Joojisay Shidaalka Tayada Hooseeya

Published: June 22, 2023

Wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya Dr Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada shirkadaha ka shaqeeya shidaalka.

Shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, waxaana ganacsatada ayaa lala wadaagay looguna sharaxay shuruucda iyo xeerarka ay wasaaraddu soo saartay iyo ahmiyada ay leedahay in ganacsatadu u hogaansanto.

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay shuruucda iyo habraacyada dowladu dajisay in looga gol-leeyahay siddii looga baaqsan lahaa dhibaatooyinka shidaalka wasakhaysan, wuxuuna amray in la joojiyay oo aan la ogalaan doonin in dalka la keeno Shidaal tayadiisa hoosayso.

Horseed Media