Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka caddaalladda u raadsada Al-Shabaab

Published: September 6, 2022
Shares34

Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa uga digay dadka inay caddaallad u raadsadaan Al Shabaab.

Taliyaha wuxuu shacabka ugu baaqay inay booliska kusoo wargeliyaan haddii ay dhacdo in looga yeero goobaha Al-Shabaab.

“Ma ahan in la aado… ninkii baabuur ka ijaaro iyo kuwa u tega kuli kuwa dagaallamayo iyo dadkaas u adeegayo waa isku mid” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Taliyaha wuxuu intaa ku daray in ciidamada dowladda ay buruburiyeen maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka Basra.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysaa kadib markii ciidamada Gor-Gor ay howlgal ka fuliyeen deegaanno hoostaga Shabeellaha Hoose.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *