Dowladda Soomaaliya Oo Hal Sanno Oo Waxbarasho Asaasi ah Ku Kordhisay Tacliinta Sare

Published: August 17, 2023
Shares26

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa go’aan cusub kasoo saaray ardayda ka gudbaya dugsiyada sare ee ku biiraya heerka sare ee tacliinta iyo jaamacadaha.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa lagu go’aamiyey ardayda ku biiraya jaamacadaha dalka inay soo qaateen marka hore sanad waxbarasho oo asaasi ah taasoo loogu diyaarinayo tacliinta heerka sare (Foundation Year), wuxuuna ka bilaabanayaa sanad dugsiyeedkan 2023/24.

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada ee asaasiga ah, waxay kala noqonayaan:

Afka Soomaaliga, Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, Daraasaadka Islaamka, Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

Hoos ka akhriso:

Horseed Media