Dowladda Soomaaliya oo ka digtay fatahaad ka dhalan karta webiyada Shabeelle & Jubba

Published: April 12, 2023

Hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa diginin ka bixisay fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo la sheegayo inuu heerkooda biyaha uu kordhay.

Warsaxaaafadeed ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in roobab lixaad leh oo ka da’ay buuralayda dalka Itoobiya ay sababeen in biyuhu sare u kaceen.

Hay’addu waxay sheegtay in saacad kaste la filan karo in ay webiyadu fahataad ka sameeyaan degmooyinka ku xeeran ee Soomaaliya.

Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ayaa kamid ah meelaha digniinta lagasoo saaray, iyadoo heerka kor u kaca biyaha webiga Shabeelle uu gaaray 2.5cm, taasoo keeni karta in fatahaad uu sameeyo xilli walba.

Horseed Media