Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Diyaarad Ku Burburtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Published: July 11, 2023
Shares38

Diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay diyaaradda burburtay oo sidey 34 qof oo rakaab ah kuwaas oo ay kasoo qaaday magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

” Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay xaqiijinaysaa in diyaaradda nooceedu yahay E120 oo u shaqaynaysay shirkadda Halla Airline ayaa ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde..” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya diyaaradda burburtay inay la socon Raysal wasaarayaashii hore ee dalka, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo saaka kasoo dhoofay Garoowe.

Horseed Media