Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geerida Madaxweynihii dalka Iran

Published: May 20, 2024

Dowladda Soomaaliya ayaa uga tacsiyeysay dowladda Iran geerida Madaxweynihii dalkaasi, Ibraahim Ra’iisi oo shalay ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka azarbijaan,

Sidoo kale, shilka waxa ku geeriyooday madax sare oo ay kamid yihiin wasiirkii arrimaha dibedda, xeer ilaaliyihii guud iyo guddoomiyeyaal gobol.

Shilkan ayaa dhacay xili madaxweynaha Iran kasoo laabtay safar uu ku soo dhagax dhigayey mashruuc biyo xidheen oo laga hirgelinayo gobolka Azarbijaan.

Horseed Media