Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka dejisay muwaadiniintii ugu horreysay ee laga soo daadgureeyay Suudaan

Published: April 26, 2023

Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan saaka ka soo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintan waxaa halkaas kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo tiradoodu gaareyso 18 ruux ayaa laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja.

Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaarad Qaas oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday dalka Koofurta Suudaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sido kale wali ku howlan sidii dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadaha dalka Suudaan.

Horseed Media