Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay hawlgal ku dishey 44 xubnood oo Al-Shabaab ah

Published: May 13, 2023
Shares4

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay In hawlgal qorshaysan oo ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah lagu diley in ka 44 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ay jireen horjoogeyaal.

Howgalkan ayaa dhacay shalay galabnimadii Deegaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii Sirdoonka Qaranka uu helay xogta xubnahaas oo in mudo ah isku aruursanayay deegaankaan, sida lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay Dowladda.

Sidoo kale warka waxaa lagu sheegay in howlgalkaan lagu burburiyay godod ay halkaas ka qoteen Al-shabaab, Hub iyo saanado kale. 

Warka ayaa lagu soo gabagabeeyey in Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka go’an inAl-shabaab lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan.

Horseed Media