Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada degaanka ay howlgal qorsheeysan ku…
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada degaanka ay howlgal qorsheeysan ku dileen 14 xubnood oo Al-shabaab ah.
Howlagalka ayaa ka dhacay degaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Xubnaha la diley waxaa kamid ahaa Horjoogayaal katirsan Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa Ururka Al-shabaab kala wareegay magaalooyinka muhiimka ah ee Gobalka Shabeellaha dhexe.
Horseed Media