Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC)

Published: March 4, 2024

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC), kadib munaasabad ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa xoghayaha guud ee Ururkaas Dr. Pmathuki u gudbiyey dukumentiyada ansixinta iyo habraacyada ee ka mid noqoshada ururkaas.

Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa inta munaasabadda socotay la guddoonsiiyey calanka wadamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Munaasabadda waxaa goob goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Horseed Media