Dowladda Soomaaliya oo UK kala hadashay xasilinta Amniga deegaanada laga qabsaday Al-shabaab

Published: August 22, 2022

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta la kulmay danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga saaray Kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale kulanka waxaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada abaaraha dalka jira iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan oo ay kamid tahay Amniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *