Duqeyn lala beegsaday xarumaha Al shabaab ee gobalka Sh/dhexe

Published: August 2, 2023

Howlgal lagu burburiyey fariisin ay lahaayeen maleeshiyaad AS, gadiid iyo saanad ciidan ayaa ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxay ka fuliyeen shalay galab deegaanka Sigato oo hoos taga degmada Ruunnirgood ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Howlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay kooxda Al shabaab sida ay warbaahinta dowlada sheegtay.

Weli wax faah-faahin dheeraad ah iyo khasaaraha dhabta ah ee howlgalkaan lama shaacin, Maraykanka oo inta badan dhanka duqeynta ka caawiya ciidanka dowlada ayaa iyagu shaaciya hawlgaladooda noocaan ah maalmo kadib.

Horseed Media