Duqeynta magaalada Laascaanood ay ka geysaneyso Somaliland oo sii xoogeysanaysa

Published: February 21, 2023
Shares52

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa ku sii xoogeysanaysa duqeyn aan loo meel dayin oo ay ciidmada Somaliland la beegsanayaan xaafadaha qaar.

Guryaha ay degan yihiin dadka shacabka ah ee Laascaanood ayaa haleelay madaafiic laga soo riday duleedka Magaalada.

Dadkii ku noolaa magaaladan ayaa inta badan isaga barakacay kadib markii uu sii xoogeysteen dagaalka iyo duqeynta wada socda.

Garaad Cabdikariin Cali Nuur oo ka mid ah Garaadada Gobolka Sool oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in qaar ka mid ah Guryaha Garaadada Madaafiic lagu riday islamarkaan ay ku dhaawacmeen dad shacab ah.

Horseed Media