Duqii Deg. Marka Cabdulaahi Waafow iyo 8 qof oo kale oo qarax culus lagu diley

Published: July 27, 2022
Shares32

Wararka ka imaanaya degmada Marka ee xarunta Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax aad u weyn oo ahaa nooca loo yaqaan ismiidaaminta.

Ugu yaraan 9 qof oo uu kamid yahay gudoomiyihii degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, Cabdillaahi Cali Waafow ayaa ku dhintay weerarka maanta lagu qaaday xarunta degmada.

Cabdullaahi Waafow ayaa caan ku ahaa la dagaalanka al-shabaab waxaana uu tegi jirey furimaha lagula dagaalamayo.

Khasaaraha ayaa intaas ka badan kara waxaana jira dad badan oo qaraxa ku dhaawacmey sida laga soo xiganayo laama caafimaadka Marka.

Marka ayaa u jirta magaalada Muqdisho qiyaastii 100km.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *