Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe oo hakad la geliyey

Published: May 16, 2023
Shares14

Duulimaadyadii diyaaradaha ee imaan jiray kana dhoofi jiray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ayaa hakad la geliyey.

Duulimaadyadam ayaa la hakiyey kadib is rasaasayn xalay afaafka hore ee garoonka ku dhexmartay Ciidamo dawladda katirsan oo sida la sheegay ilaali u ahaa sanaadiikhda doorashada Golaha deegaanka iyo Ciidamo daacad u ah mucaaradka diidan habka dawladdu u maamulayso nidaamka doorashooyinka Golaha deegaanka oo ay ku eedaynayaan in muddo kororsi ku hoos la maantahay.

Dagaalka xalay xilli dambe dhacay waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo aan weli dhinacyada dagaalamay aysan war ka soo saarin.

Sidoo kale waxaa la werinayaa in weli is hor fadhiyaan ciidamadii is rasaasayntu dhexmartay taas oo kaliftay in la fasaxo shaqaalihii garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland.

Horseed Media