Duulimaadyadii hawada UK oo la xayiray sababo la xidhiidha Cillad-Farsamo?

Published: August 28, 2023
Shares38

Dhammaan duulimaadyada taga ama ka yimaada UK ayaa lagu soo waramayaa inay saameyn ku yeesheen dib u dhacyadan iyo xayiraada lasoo rogay oo laga yaabo inay socoto maalmo.

Cillad aan la faah-faahin oo saameysay nidaamka hagista hawada ee UK ayaa keentay in la kala hagi waayo diyaaradaha tiradda badan ee maalin walba kaasoo dega ama ka duula madaarada wadanka, xili lagu jiro wakhtiyada ugu mashquulka badan ee fasaxa xagaaga.

Rakaabka duullimaadyada ka imanaya waddamada Yurub oo dhan ayaa loo sheegay dib u dhac dheer.

Websiteka FlightRadar24 ayaa soo bandhigay sawir muujinaya boqollaal diyaaradood oo dul heehaabaya hawada UK.

NATS, oo ah hay’adda maamusha hawada UK, ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri: “Waxaan jira cillado farsamo, waxaanan la xadiday dhamaan duulimaadyadda si loo ilaaliyo ammaanka. Injineerada ayaa ka shaqeynaya sidii ay u hagaajin lahaayeen cilladan. “

Horseed Media