EGYPT: Askari Masaari ah oo dilay dalxiisayaal kasoo jeeda Israel

Published: October 8, 2023

Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in askari katirsan booliiska Masar uu rasaas ku furay dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa magaalada Alexandria ee dhacda badda Mediterranean-ka, halkaasi oo uu ku dilay ugu yaraan labo qof oo u dhashay Israel iyo mid Masaari ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Telefishinka Extra News, oo xiriir dhow la leh Hay’adaha ammaanka Masar, ayaa soo xigtay sarkaal ammaanka ka tirsan oo aan la aqoonsan inuu sheegay in qof kale uu ku dhaawacmay weerarka, oo ka dhacay xarunta Pompey’s Pillar ee magaalada Alexandria.

Askarigii weerarka geystay ayaa la sheegayaa in nolol lagu qabtay.

Weerarkan maanta oo Axad ah, ayaa ku soo beegmay xilli Israa’iil ay duqayn ka geysatay marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof iyo duulaanka Xamaas ku qaaday dhulka Israel oo lagu dilay ilaa 300 Israa’iiliyiin ah.

Horseed Media