Eminem oo ka joojiyey Ramaswamy oo ah musharaxa Republican inuu ciyaaro muusigiisa

Published: August 29, 2023
Shares10

Xiddiga Muusiga Rap-ka Eminem ayaa ka dalbaday Vivek Ramaswamy, inuu ka fogaado isticmaalka muusiggiisa marka uu ku jiro ololihiia siyaasadeed, warbaahinta ayaa sidaas sheegtay Isniintii.

Shirkadda muusiga ee BMI waxay u qortay Ramaswamy, warqad ku taariikhaysan August 23, oo ay ku sheegtay in aanay mar dambe siin doonin ololihiisa shatiga uu ku ciyaari karo muusigga Eminem.

“BMI waxay heshay waraaqo ka yimid Eminem, oo magaciisa xirfadeed yahay Marshall B. Mathers III, oo muujinaya diidmada isticmaalka hal-abuurkiisa muusikada (oo si wada jir ah loogu tixraaco ‘Eminem Works’) ee ololaha Vivek Ramaswamy. Iyadoo la raacayo diidmadan, Eminem waxa uu codsaday in BMI ay ka saarto dhammaan Eminem Works heshiiska jira,” ayay tiri shirkaddu.

Ololaha Ramaswamy ayaa CNN u xaqiijiyay in ay doonayaan in ay ixtiraamaan codsiga Eminem oo ay joojiyaan in ay muusigiisa ku ciyaaraan ololahooda doorashada.

Ramaswamy oo aan siyaasadda ku lahayn wax raad ah, ayaa ku soo xoogaysanayay qaar ka mid ah ra’yi ururin dadweyne.

38-jirkan ayaa horay u ahaa madaxa fulinta biotechniska Waana maal qabeen asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindiya.

Ramaswamy ayaa hadda ku jira kaalinta saddexaad ee musharrixiinta xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya doorashada hordhaca ah ee madaxtinimada ee 2024, balse aad uga dambeeya madaxweynihii hore ee Trump .

Waxa uu ka soo dhex muuqday dooddii ugu dambaysay ee xisbiga Jamhuuriga – taas oo Trump aanu ka qaybgelin – isaga oo ku dayanaya qaabkii Trump. Dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan in uu raadinayo in loo doorto musharaxa madaxweyne kuxigeenka Trump.

Iqra Yusuf
Horseed Media