Erdogan oo rajeenaya in la cusbooneysiiyo heshiiskii Qamadiga

Published: July 14, 2023

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in heshiiska Qamadiga iyo Galayda badda madow uu ku rajo weyn yahay in la kordhiyo kaasi oo hadda ku eg 17ka July, dadaalkaasi oo ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Turkiga.

Khamiista shalay, afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in guddiga Yurub uu sidoo kale gacan ka geysanayo isku dayga in la kordhiyo heshiiska.

Sidoo kale, Khamiistii shalay, Putin wuxuu sheegay in Ruushka uu qarka u saaran yahay inuu ka baxo heshiiska haddii aan la fulin dalabaadkooda.

“Waanu ka bixi karnaa heshiiska, haddii qof kastaa uu mar kale yiraahdo dhammaan ballamihii nala sameeyay waa la fulinayaa, markaa ha fuliyaan ballanqaadkan. Waxaan isla markiiba dib ugu biiri doonnaa heshiiskan,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in QM ay ilaa hadda ku guul darreysatay inay la timaado xal lagu qanco.

Qamadiga iyo Galayda laga keeno dalka dagaalada ka socdaan ee Ukraine ayaa waxaa si weyn ugu tiirsan dalalka soo koraya gaar ahaan wadamada qaarada Afrika.

Horseed Media