Erdogan: Xamaas maaha Argagaxiso ee waa urur Xoriyad u dagaalamaya

Published: October 26, 2023
Shares7

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay Xamaas “Urur Xoriyad u dagaalan” iyo Mujaahidiin, wuxuuna ku cambaareeyay reer galbeedka inay indhaha ka qarsanayaan weerarada Israel ay ku hayso Gaza.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Arbacadii sheegay in uu ka tanaasulay safar horey loo qorsheeyey inuu ku tago Israel, isagoo wacad ku maray inuusan booqan doonin kuwa xasuuqa ka wada Gaza.

Khudbada kulul oo uu Madaxweynaha ka horjeediyey Baarlamaanka Turkiga ayey si weyn usoo dhaweeyeen xildhibaanada oo ku dhawaaqayey “Israel ha dhacdo”.

Erdogan ayaa sheegay in kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas aysan ahayn argagixiso, laakiin ay yihiin “dagaalyahano dhulkooda iyo dadkooda u dagaalamaya”.

Wuxuu Erdogan fariintan u dirayey madaxda reer Galbeedka ee taageera Israel oo asbuucyadii lasoo dhaafay ku tilmaamay Xamaas inay tahay argagaxiso marna la barbar dhigayey Daacish.

Horseed Media