Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Garoowe ku wajahan

Published: June 10, 2023
Shares20

Eragyaga, xooghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, ayaa lagu wadaa in markii u horeysey ay booqato magaalada Garoowe ee xarunta Puntland tan iyo markii xafiiska loo soo magacaabey bishii hore ee Maajo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii shalay gaarey Garoowe halkaas oo uu ka maqnaa tan iyo doorashadii goloyaasha deegaanka, taas oo caasimaddu ka hartey.

Catriona Laing ayaa ka soo jeeda dalka Britain, waxaana ay horey uga soo shaeysey arrimaha dibadda ee Biritaaniya, dalalka ay ka soo shaqeysey waxa akamid ah dalka ugu dadka badan Afrika ee Nayjeeriya.

Safarkeeda ayaa ku soo beegmaya xili xasaasiya, iyada oo Puntland weli ka taagan yahay khilaaf siyaasaded oo keenay in caasimadda ay ka dhici weydo doorashadii golaha deegaanka, muddo xileedkii Madaxweynaha Puntland oo gabaabsi ah, Sool oo ay ka taagan tahay xaalad bini’aadanimo, kadib markii 200 oo kun oo qof ku barakaceen dagaalada Somaliland ku soo qaadey Sool, iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland oo maraya heerkii ugu hooseeyey.

Horseed Media