Ethiopia: Abiy Ahmed oo gargaarkii ka jaray gobalka Tigray-ga

Published: November 12, 2020
Caasimada Tigrayga ee Maqale (Mekelle)

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalka Itoobiya ayaa maanta oo khamiis ah qaylo-dhaan kasoo saaray xayiraada saaran shacabka Tigrayga.

Hay’ada UN-OCHA oo qaabilsan hawlaha gargaarka bini’aadamnimo ayaa sheegtay in ay hada gabaabsi marayaan cuntada iyo daawada, xili dowlada Federaalka ay xayiraad dul dhigtay maamulka Tigrayga.

Waxaa sidoo kale weli go’an isgaarsiinta deegaankaasi.

Warbixinta kasoo baxday hay’adaha gargaarka ayaa lagu sheegay in dagaalada socda ay khasaaraha ugu weyn uu kasoo gaaray dadka maatada ah.

Dowlada Sudan ayaa Arbacadii shalay soo saartay war ay ku sheegtay in qaxootiga uga yimid dhinaca Itoobiya ay hada gaarayaan 10.000 qof.

Maxamed Cismaan
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *