Ethiopia: Federaalka oo xoreeyey magaalo Tigrayga ka qabsadeen Amxaarada

Published: November 11, 2020

Ismaamulka Amxaarada ayaa soo dhaweeyey hawlgalkii ay ciidamada Federaalka ku xoreeyeen magaalada Dansha oo ku taal xaduuda Tigrayga iyo Amxaarada.

Ciidamada Tigrayga oo horey u qabsaday magaaladaasi oo ay  ku badan yihiin Amxaarada ayaa halkaasi dib uga gurtay.

Dagaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoogiisa ka socday Galbeedka gobalka Tigrayga nawaaxiga xaduuda ismaamulka Amxaarada iyo dhinaca Xaduuda dalka Sudan.

Ciidamada Dowlada Federaalka ee magaaladaasi soo gaaray ayaa waxaa taageerayey maleeshiyaadka kasoo jeeda Amxaarada oo horey dagaal ugala dhaxeeyey Tigrayga.

Xiisadan ayaa markale dib usoo nooleysay cadaawadii taariikhiga ahayd ee u dhaxeysay Tigrayga iyo Amxaarada oo isku heystay muddo badan dhulal ay kala heystaan, arrintan oo ay ka digeen siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo jeeda Amxaarada oo sheegay in Abiy Ahmed u adeegsado maleeshiyaadka Amxaarada dagaalkan taasi oo keeni karta inuu sii daba-dheeraado dagaalada sokeeye.

Abiy Ahmed ayaa todobaadkan u magacaabay Madaxa Sirdoonka Federaalka Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Amxaarada Temesgen Tiruneh.

Kumanaan kun oo shacab ah oo ka qaxay deegaankaasi ayaa la sheegay inay gaareen wadanka Sudan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *