Ethiopia: Shacabka Maqalle oo isu diyaarinaya dagaal dheer

Published: November 27, 2020

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu bilowday hawlgalka ugu danbeeyey ee lagu xoreenayo caasimada maamulka Tigrayga ee Maqalle (Mekelle).

Kadib markii ay dhamaatay wakhtigii uu u qabtay inay isku dhiibaan ciidamada Tigrayga oo ku ekayd Arbacadii ayaa waxaa hada socda dhaq dhaqaaq ay ciidamada Federaalka Itoobiya ka wadaan waqooyiga iyo koonfurta gobalkaasi.

Illaa iyo hada lama hayo ciidamo badan oo ka tirsan Tigrayga oo u hogaansamay codsigii Abiy Ahmed oo ahaa inay is-dhiibaan, waxaana lagu soo waramayaa in xoogaga Tigrayga ay cududooda isugu geeyeen deegaanada ku hareeraysan caasimada Maqalle.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa guulo ka gaaray dagaalada ka dhacay Galbeedka iyo Waqooyiga gobalka Tigrayga, halka ay khasaaro badan kala kulmeen dagaalada ka dhacay koonfurta gobalka Tigrayga gaar ahaan nawaaxiga magaalada Alamata.

Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafayey duqeenayey nawaaxiga magaalada Maqalle iyo Aragure, hase yeeshee diyaaradahan weli ma bilaabin duqeynta gudaha magaalada caasimada ah arrintaasi oo keeni karta khasaaro badan oo soo gaara shacabka halkaasi ku nool.

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay dowlada Abiy Ahmed inay duulaan ku qaado magaalada Maqalle iyagoo sheegay in dhibaato la gaarsiiyo shacabka ay noqon doonto danbiyo dagaal.

Maamulka Tigrayga ayaa olole xoogan ka wada gudaha magaalada Maqalle iyagoo shacabka u qeybiyey hub ay isku difaacaan, ciidamada Tigrayga ayaa sidoo kale u muuqda inay isu diyaarinayaan dagaal daba dheeraada oo gobalkaasi ka socda muddo dheer, iyagoo difaacooda isugu geeyey dhulalka buuraleyda ah oo ay adag tahay inay ciidamada lugta si fudud ku galaan.

Abiy Ahmed ayaa u muuqda inuu dadaal ugu jiro inuu si deg deg ah usoo afjaro dagaalka hase yeeshee xaaladaha ka jira dhulkaasi ayaa muujinaya in dagaalkan uusan ahayn mid si fudud ku dhamaanaya.

Khamiistii shalay ayey magaalada Addis Ababa gaareen wafuud ka kala timid dalalka Midowga Afrika oo doonaya inay bilaabaan waan waan, hase yeeshee xukuumada Itoobiya ayaa diidan inay arrimahan kala hadasho Beesha Caalamka.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *