EU-da iyo Tunisia oo gaaray heshiis dhanka Iskaashiga iyo joojinta Tahriibta

Published: July 17, 2023

Midowga Yurub iyo Tunisia waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan “iskaashi istaraatiijiyadeed” oo ah dhanka Tamarta, horumarinta dhaqaalaha, iyo socdaalka gaar ahaan kahor tagida Tahriibta.

Tunisia ayaa ah meel ay ka dhoofaan kumannaan muhaajiriin ah oo ka talaabaya badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub. Guddoomiyaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa soo dhaweysay heshiiska loogu talagalay in lagu horumariyo iskaashiga labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni iyo Ra’iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa ku weheliyay von der Leyen booqashada dalka Tunisia.

Heshiiska ayaa waxaa ku jira 105 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay in lagula dagaallamo Tahriibta iyo 150 milyan oo Yuuro oo kaalmo miisaaniyadeed ah, xilli Tuniisiya ay la degtay deyn iyo hoos u dhac dhaqaale.

Horseed Media