EU oo cunaqabateyn ugu hanjabay Russia

Published: September 6, 2020

Dowlada Germany oo xiligan heysa Guddoonka Midowga Yurub ayaa sheegtay inay wado dadaalo lagu doonayo in cunaqabateyn lagu soo rogo Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dhawaan sumeeyey mid kamid ah hogaamiyayasha Mucaaridka Putin oo hada jiifa isbitaal ku yaal magaalada Berlin, Germany.

Hogaamiyaha Mucaaridka Ruushka, Mr.Navalny ayaa bishii lasoo dhaafay xanuunsaday xili uu saarnaa diyaarad uu kasoo raacay Siberia kuna sii jeeday Moscow, ninkan ayaa maalmo kadib loo ogolaaday in loo qaado isbitaal ku yaal Berlin, Germany.

Dhakhaatiirta Jarmalka ee baaritaanka ku sameeyey ninkan ayaa xaqiijiyey in la sumeeyey, arrintan oo dib usoo nooleysay cambaareynta Midowga Yurub ee ku aadan xukuumada Ruushka ee Vladimir Putin oo horey sidan oo kale loogu eedeeyey in ay khaarijinta mucaaridkooda u adeegsadaan sunta halista ah ee loo yaqaan [Novichok].

Suntan Novichok ayaa ah mid ay soo saareen oo ay khaarajinta u adeegsan jireen Sirdoonkii Sofiyeetka.

Dowlada Ruushka ayaa iyadu iska fogeysay eedeynta ah inay sumeysay hogaamiyahaasi mucaaridka, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Lavrov ayaa sheegay in Germany aysan weli la wadaagin dowladiisa xogta baaritaanka ay sameeyeen.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *