Eyga Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laga saaray Aqalka Cad kadib markuu weeraray Shaqaalaha & Illaalada

Published: October 5, 2023

Eyga Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo lagu magacaabo (Commander / Taliye), ayaa laga saaray Aqalka Cad kadib markii uu weerar ku qaaday qaar kamid ah shaqaalaha iyo illaalada Madaxtooyada Maraykanka, sidey xaqiijisay afhayeen u hadashay Marwada Koowaad Jill Biden.

Elizabeth Alexander, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee marwada koowaad, ayaa sheegtay in madaxweynaha iyo xaaskiisa ay ahmiyad weyn u leedahay amniga shaqaalaha Aqalka Cad iyo ciidamada amniga ee ilaaliya iyaga.

Xaqiijiinta in Eygii TALIYE laga saaray Aqalka Cad ayaa timid saacado kadib markii Afhayeenka Aqalka Cad, Ms.Karine Jean-Pierre lagu weydiyay shirka saxaafada ee maalinle ah, su’aalo la xariira eedeymo cusub oo ah inuu eyga Madaxweynaha qaniinay shaqaale ka tirsan Aqalka Cad.

Horseed Media