Faahfaahin ku saabsan weerarkii Jimcadii lagu qaadey Hotel ku yaala Muqdisho

Published: June 10, 2023

Fiidnimadii Jimacada ayaa weerar loo adeegsadey gaari bom lagu soo xirey lagu qaadey Hotel Pearl Beach oo ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xeebta, kadib qaraxa waxaa ku xigey koox hubeysan gudaha u galeen Hoteelka.

Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 6 qof oo rayid ah iyo 3 ka tirsan ciidanka Boolisku ay naftooda ku waayeen weerarkaas, sidoo kale Booliska ayaa sheegay in weerarka la soo afjarey saqdii dhexe ee Sabtida saacaddu markey ahayd 02:00am

Ciidamada Booliska ayaa ka soo badbaadiyey dad ku dhaw 90 qof oo ku sugnaa Hotelka iyo agagaarkiisa.

Ugu yaraan lix qof oo kuwii is qarxiyey ah ayaa ka qaybqaatey weerarka. Weerarkan waxaa masuuliyadiisa sheegtey al-Shabaab.

Weerarkan ayaa imaanaya iyada oo amniga Muqdisho soo haaagaayey, isla markaana ay yaraadeen in la weeraro goobaha rayidka sida Hoteelada.

Horseed media