Faahfaahin weerarka Hotal Xayaat (Hayat) ee magaalada Muqdisho

Published: August 19, 2022
Share1.9k

Kadib salaadii makhrib ee xiliga Muqdisho ayaa jug weyn oo aad u culus laga maqley aaga KM4, wax yar kadib waxaa ku xigey ilaa qaraxyo kale oo yaryar.

Qaraxa ayaa lala beegsadey Hotel Xayaat ku yaala agagaarka KM4, gaar ahaan wadada u baxda dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho. Qaraxa kadib koox hubeysan oo kamid ah argagxisada ayaa galay Hotelka waxaana ilaa hadda socda oo aan la soo afjarin hawlgalkii ciidamadu Hotelka ka wadeen oo dadka lagu soo badbaadinaayey.

Warar aan ilo madax bannaan laga xaqiijin oo sarkaal boolis ah laga soo xigtay ayaa sheegaya in qaraxa saddexaad – oo uu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay – lala beegsaday ciidan gurmad ahaa oo ka qayb gali rabay howlgalka.

Waxaa wararku sheegayaan in uu ku dhaawacmey weerarka Taliyaha ciidanka NISA ee gobolka Banaadir Muxyadiin Warbac, qaraxa uu ku dhaawacmay waa ka naftii haliguhu fuliyey ee qaraxa saddexaad.

Khasaaraha ayaan weli la tira koobin, waxaase meelo kala duwan laga maqlayaa dhawaaqa gawaarida xaaladda degdeg ah ee aanbalaasta.

Maxay tahay sababta Hotelka Xayaat loo beegsadey.

Hotel Xayaat waxa uu dhinaca ku hayaa hotel Saxafi, waxaana uu ka soo horjeeda hotel Afrik, lama garan karo sabab isaga gaar ku ah, waxaana dadka qaarkood sheegayaan in ay dhici karto in ay la xiriirto arrimaha cashuurta ee al-Shabaab ay Hoteelada ka qaadaan.

Wararka Horseed Media soo gaaraya ayaa sheegaya in hotel Xayaat ay deganayeen ilaa afar Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka, sidoo kale waxaa ka socdey shir odoyaal iyo siyaasiyiin ay lahaayeen. .

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *