Faahfaahin: Dil loo geystay weriye ka howlgalayay Gaalkacyo

Published: September 19, 2018

Cabdirisaaq Siciid Cismaan oo kamid ahaa wariyeyaasha ka hawlgala Idaacadda Codka Nabada ee magaalada Gaalkacyo ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo weerar loo adeegsaday Toorey oo Kooxo hubeysani ay xalay ugu geysteen Magaalada Gaalkacyo.

Wariye Cabdirisaaq ayaa kooxaha hubeysani ay weerareen xili uu kasoo baxay howlihiisa shaqo kuna sii jeeday hogyiisa,waxaana kooxaha dilka u geystay ay dhowr jeer la dhaceen toorey sidaasna uu marxuumku ugu geeriyooday falka tooreyda ee lagula kacay.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in kooxaha dilka u geystay weriye cabdirisaaq ay ahaayeen kooxo burcad ah oo doonayay in ay marxuumka ka qaataan qalab warbaahineed oo uu watay sidaasna ay kooxaha hubeysani ay u beegsadeen marxuumka.

Agaasimaha idaacada Codka Nabada Axmed Caano geel oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa tilmaamay in marxuumka la dilay uu kamid ahaa weriyayaasha ugu firfircoon ee ka howlgali jiray idaacada Codka Nabada isla markaana uu caan ku ahaa barnaamijyada arimaha bulshada.

Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Siciid Cismaan ayaa mudo kusoo jiray mihanada saxaafada ,isagoona markii ugu dambeysay la shaqeynayay idaacada Codka Nabada Gaalkacyo.

Eebe ha u naxariisto marxuumka samir iyo iimaana haka siiyo qoysii uu ka baxay

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *