Faahfaahinta qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Published: August 22, 2023

Qarax jugtiisa laga maqley in badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay meel ku dhaw isgoyska Ifka Xalane. Halka qaraxu ka dhacay meel ku dhaw waxaa deggan ciidanka loo bixiyey xasilinta Muqdisho ee Booliska mileteriga ah.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka xaruntii hore ee dhul-bixinta oo ku taalla isgoyska Ifka Xalane, halkaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Xamar ee loo yaqaano Booliska Milateriga ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku geeriyooday laba qof oo mid kamid ah yahay kii naftiisa haligey, waxaana ku dhaawacmey laba qof oo kale.

Qaraxaan ayaa saameyn ku yeeshay mudo ku dhaw hal saac dhamaan dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Majirto wax faahfaahin ah oo wali kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaan ismiidaaminta ah ee gaariga looga adeegsaday.

Horseed Media