Faarax Cabdulqaadir: “Waa in ay cadaalad heshaa Ikraan Tahliil

Published: September 4, 2021

Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo kamid ah Xildhibaanada wakhtiga ka dhamaaday ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo kiiska Sarkaal NISA Ikraan Tahliil oo dowladda Federaalka ay sheegtay in ay dileen Alshabaab iyaguna ay beeniyeen.

Faarax Cabdulqaadir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in kiiska gabadhan ay iska barri yeelaan Alshabaab iyo Dowladdii ay u shaqeynaysay ,waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay waajibtay in ay cadaalad hesho gabadhan.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale soo jeediyay in xoriyadooda dib loogu soo celiyo sadex dhalinyaro ah oo shalay laga afduubtay gudaha magaalada Beledweyne kuwaasoo loo bartilmaameedsaday in ku heyb yihiin Agaasimaha NISA Fahad Yasiin kaasoo lagu eedeyay kiiska Ikraan Tahliil.

Waxaa isa soo taraya baaqyada ku saabsan in ay cadaalad hesho Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda isla markaana lagu sameeyo baaris madax banaan xaqiiq ahaanshaha dilka loo geystay gabadhan iyo cidda ka dambeysa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *